Boqoradda Ingiriiska Oo Waraaqaha Aqoonisaga Ka Gudoontay Safiirka Soomaaliya U Dirtay

Read Time:1 Minute, 0 Second

Muqdisho, Mareeg.com: Boqorrada dalka Britain Queen Elizabeth ayaa warqadaha aqoonsiga Safiirnimo ka gudoontay Danjiraha Dowladda Soomaaliya ay u magacawday dalkaas C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Munaasabadda ay boqoradda Ingiriiska Queen Elizabeth kaga gutoontay warqadaha aqoonsiga Safiirnimo danjire C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa waxaa ay ka dhacday qasriga madaxtooyada boqortooyada ingiriiska.

Safiirka ayaa waxaa lagu soo dhaweeyey fardaha Madaxtooyada taasi oo dhaqan u ah iney galbiyaan farduhu martida tagaysa aqalka Madaxtooyada dalka Ingiriiska.

Danjire Sanbaloolshe ayaa gacan qaaday qoyska boqortooyada iyo boqoradda ayadoo Queen Elizabeth ay ka gudoontay Danjire C/laahi Maxamed Cali Warqadihiisa aqoonsiga safiirnimo.

Safiirka Soomaaliya ee dalka Britain oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in boqorraddu ka gudooto waraaqihiisa aqoonsiga, isagoo balan qaaday inuu sii xoojin doono xiriirka labada dal ee Britain iyo Soomaaliya.

Waa markii ugu horeysay ee 23sano kadib si rasmi ah dib loogu howlgeliyo safaaradda Soomaaliya ee dalka Ingiriiska ayadoo talaabadanna ay qeyb ka tahay guullaha ay dowladda Federaalka Soomaaliya ka gaartay soo celinta xiriirka dibadda.

Dowladda Ingiriiska ayaa horay si rasmi ah magaalada Muqdisho uga furatay safaaradeeda Soomaaliya, taasoo muujineysa in Ingiriisku doonayo inuu la shaqeeyo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %