Mareeg Media
Somalia

Boqolaal Soomaali ah oo ka qaxay Denmark  iyo sababta oo la ogaaday

Ugu yaraan 350 qof oo Soomaali ah ayaa sanad iyo barkii ugu danbeeyay isaga cararay Denmark ama aan la ogeyn meesha ay ku danbeeyeen Sida uu maanta soo daabacay wargeyska Politiken oo ka mid ah wargeysyada ugu waaweyn dalka Denmark.

Qaar badan oo dadkan ka mid ah ayaa qeyb ka ahaa 800 oo qof ee Soomaali ah, kuwaasoo dowlada Denmark ay sheegtay inay dib u qiimeyn ku sameyn doonto sharciyadooda magangalyada.

Mid ka mid ah Soomaalida dadkaas oo la hadlay Politiken sheegay inuu ogyahay waxa sugaya haddii Soomaaliya lagu celiyo, sidaas darteed uu doortay inuu ku dhuumaaleysto dalkaas ama uu isaga qaxo Denmark.

Ninkan oo magaciisa kusoo gaabiyay Ibrahim ayaa sheegay inuu ka mid ahaa Soomaalida dib u qiimeynta lagu sameeyay magangalaydooda.

Maadaama aysan Soomaaliya heshiis dib u celin kula jirin Denmark, wey adagtahay in Denmark ay dadkaas dib ugu celiso dalkooda. Taasoo ka dhigan ineysan sii wadin karin noloshoodii caadiga aheyd ee Denmark, aana lagu celin karin dalkooda. Waxaana inta badan dib loogu celiyaa xeryo qoxooti, taasoo keenta in dad badan ay ka cararaan Denmark ama ay dalkaas gudahiisa qaab dhuumaaleysi ah ugu noolaadaan.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!