Boqolaal Shacab ah oo dhigay Banaanbax looga soo horjeedo madaxda dowlad Goboleedyada dalka — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Boqolaal Shacab ah oo dhigay Banaanbax looga soo horjeedo madaxda dowlad Goboleedyada dalka

Wararka ka imaanaya Magaalada Garbahaarey ee xarunta Gobolka Gedo ayaa waxa ay sheegayan in halkaasi maanta uu ka dhacay Banaanbax ballaaran oo looga soo horjeedo Shirkii shalay lagu gabagabeeyay Magaalada Kismaayo oo Xarun KMG u ah maamulka Jubbaland,kaasi oo ay yeesheen Madaxda maamul Gobaleedyada dalka ka jira.

Banaanbaxayaasha ayaa isugu soo baxay gudaha Magaalada,waxaana ay si weyn uga soo horjeedaan qodobadii ka soo baxay Shirkaasi oo kamid ahaayeen in Madaxda maamul Goboleedyada dalka ay hakiyeen xiriirkii ay la lahaayeen dowlada dhexe ee Soomaaliya.

Dadka dhigayay banaanbaxa ayaa isugu jiray Waxgarad,Haween iy Caruur,kuwaasi oo laga dareemayay in ay aad u diidan yihiin qorshaha uu Madaxweynaha maamulka Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ku uu dhibaateynayo shacabka ka soo jeeda deegaanada Jubooyinka iyo Gedo .

Dhinaca kale ma jiraan wax mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Degmada Garbahaarey ee Gobalka Gedo oo ka qeyb galay banaanbaxaasi maanta ka dhacay Garbahaarey.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!