Boqolaal Ruux oo lagu dilay Weerar ka dhacay Sri Lanka

Read Time:33 Second

Waxaa sii kordhaya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay qaraxyo ka dhacay Kaniisado iyo Hoteelo ku yaalla degmooyinka Kochchikade, Katuwapitiya iyo Batticaloa ee dalka Sri Lanka.

Ugu yaraan 200 Ruux ayaa qaraxyadaas ku geeriyooday halka 80 kale ay ku dhaawacmeen, xilli uu socday dabaaldega Ciida masiixiga,waxaana qaraxyada oo gaaraya ilaa lix lagu weeraray Hoteelo iyo Kaniisado.

wakaaladda wararka ee AFP u sheegay in khasaarah dhimasho iyo midka dhaawac uu soo kordhayo saacadba saacadda ka dambeysa.

Dadkii ku dhaawacmay weerarkaasi ayaa la dhigay isbitaallada Colombo.

Xaalad kacsanaan ah ayaa haatan laga dareemayaa guud ahaan dalka Sri Lanka, iyada oo Maanta ay siweyn u hadal hayaan qaraxyadaas Warbaahinta Caalamka.

About Post Author

Tuuryare

Abdirisaq is , a somali veteran journalist based in the Somali capital, Mogadishu. Twitter @tuuryare_africa tuuryare10@gmail.com Whatup:00252615990842
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %