Boqolaal ciidamo Jabuutiyaan ah oo maanta gaaray Baledweyne (Xagey soo mareen?)

Read Time:1 Minute, 5 Second

Mareeg.com: Ciidamo ka socda Jamhuuriyadda Jabuuti oo qeyb ka noqonaya ciidamada “Hiil Walaal” ee AMISOM ka mid ah ayaa saaka gaaray magaalada Baledweyne ee xarrunta gobolka Hiiraan iyagoo ku tegay safar xagga dhulka ah.

Xasan Maxamed Ibraahim “Xasan kaafi ” afahayeenka Maamulka gobolka Hiiraan oo wareysi siiyey idaacada Risaala ayaa xaqiijiyey in ciidamo dheeraad ah oo ka socda Jabuuti saaka lagu soo dhaweeyey deegaanka Kala-beyr oo ku dhow xadka Soomaaliya iyo Itoobiya.

“Waa ciidamo farabadan oo ilaa 1000 ah, saaka ayaa waxaan uga hortagnay deegaanka Kala-beyr ee dhanka Feereer, waa ciidan agabkoogu u dhan yahay, waxaana keenay magaalada” ayuu yiri Xasan Kaafi.

Waxa uu sheegay in ciidankaasi ay yihiin qeyb ka tirsan ciidamo ka socda dalka Jabuuti oo la doonayo in lagu biiriyo howlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

“Waxaan rajeyneynaa in ciidamadaas nala soo celin doonaan nabaddii naga luntay, waxeyna ciidamadaas ka mid yihiin qeybta 4-aad ee AMISOM” ayuu sidoo kale yiri Xasan Kaafi.

Ciidamada ka socda dalka Jabuut ayaa socod dheer soo maray, iyagoo dalkooda kasoo socdaalay soona maray gudaha dowlad deeganka Soomaalida Itoobiya, kadibna soo galay Soomaaliya.

Horay waxaa Soomaaliya, gaar ahaan Baledweyne iyo Buulo Barde u joogay ilaa 1000 ka tirsan ciidamada Jabuuti, waxaan kalhore madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Gelle balanqaaday inuu Soomaaliya u dirayo ilaa 1000 kale oo askar ah.

Mareeg Media

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.