Boqolaal Askari Oo Laga Ruqseeyey Milateriga Soomaaliya * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Boqolaal Askari Oo Laga Ruqseeyey Milateriga Soomaaliya

Muqdisho – Mareeg.com: Taliska milateriga Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay in la ruqseeyey ilaa 700 oo ka mid ah milateriga Soomaaliya, kuwaasoo aan gudan waajibaadkii shaqo ee looga baahnaa.

Taliyaha Ciidanka xooga dalka Soomaaliya Jen. Dahir Khaliif Cilmi (Indho-Qarsho) ayaa sheegay in 700 askari la ruqseeyay, kuwaasoo uu sheegay inay ahaayeen kuwo aanay gudan waajibaadka ciidan ee oo dhaariyey.

Jen. Dahir Khaliif Cilmi (Indho-Qarsho) ayaa tilmaamay in askarta la ruqseeyay ay isugu jiraan saraakiil, saraakiil xigeen iyo dabley, isugu jiray Ragg iyo Haween.

Jeneraalka ayaa xusay in tilmaamay in askartaas muddo todobo bil ay u yeerayeen si ay waajibaadkooda u gutaan, islamarkaana ay dhega adeygeen.

Indho-Qarsho ayaa sheegay in dadka la ruqseeyey ay ku jiraan ciidamo ilaalo ka ah qaar ka mid hoteellada faarka loo leeyahay ee Muqdisho iyo kuwa magaalada ku iibiya qaad sida uu yiri.

“Dadka la ruqseeyay waxa ay isugu jiraan dad xirfadlayaal ah oo aan si toos ah ugu shaqeynin ciidamada xoogga dalka, kuwaasi ay ka mid yihiin ganacsato qaad wada yaal ah, kuwa ilaaliya Hoteelada sida gaarka ah loo leeyahay iyo kuwa aan imaanin goobta shaqada” ayuu yiri Jen. Dahir Khaliif Cilmi (Indho-Qarsho).

Dhawaan ayaa waxaa warbaahinta qaar la halay qaar ka mid ah ciidamada la ruqseeyey, waxeyna sheegeen in ciidamada laga saaray boqolaal askari oo hubkooda heysta, iyadoo wax digniin ah loo jeedin.

Ciidamo farabadan oo u qoran dowladda Soomaaliya ayaan shaqada imaan, iyadoo ciidamadaasi qaarkood ilaalo u noqdaan siyaasiyiin ay qaraabo yihiin ama hay’ado iyo hoteelo gaar ah, halka qaar kale oo badana hubka kula laabtaan xaafadahooda oo dadka ku dhibaateeyaan.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.