Boosaaso: Maxkamadda Ciidamada Xukun Ku Riday Saddex Lagu Eedeeyey Alshabaab

Boosaaso – Mareeg.com: Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee gobaladda Bari, ayaa manta xukuno xarig ah ku riday 3 nin oo lagu eedeeyey iney ka tirsan yihiin Alshabaab.

Maxkamaddaynta raggaan waxaa xeer ilaalintu ka horjeedisay maxkamadda warbixin faah faahsan oo ku saabsan in eedeysnayaasha saddexda ah ka tirsan yihiin Alshabaab.

Ragga lasoo taagay maxkadda oo gaarayay 4ruux ayaa saddex ka mid ah la xukumay waxaan la sii daayey kan 4-aad oo la sheegay in lagu waayey wixii lagu soo eedeeyey.

Gudoomiyaha maxkamada Ciidamada qalabka sida, Cabdifataax Xaaji Aadan ayaa gaba gabadii ku dhawaaqay xukunka ay muteysanayaan eedeysanayaasha;

Gudoomiye Cabdifataax Xaaji Aadan ayaa ku dhawaaqay in:
1- C/xakiim Cumar Guduudow- lagu xukumay 5-sano oo xarig
2- C/xakiim Cabdullaahi Xundul- oo lagu xukumay 10-sano oo xarig iyo in
3- C/raxmaan Muuse Cismaan- waxaa lagu xukumay xabsi daa’in.

Maxkamada ayaa dhinaca kale sii deysay eedeysane afaraad oo lagu magacaabo Aweys Buule Saadiq kadib markii lagu waayay wixii horay loogu eedeeyay.

Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa horay xukuno dil ugu riday dhallinyaro badan oo lagu eedeeyey iney Alshabaab ka tirsan yihiin, waxaana iminka xabsiyada ku jira eedeysanayaal kale oo xukun sugayaal ah.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245