Boosaaso: Maxkamadda darajada 1-aad ee ciidamada qalabka sida ee maamulka Puntland, gaar ahaan gobolada Bari iyo sanaag ayaa shalay xakuno kale duwan ku riday dad ku eedeysnaa in magaalada Bosaso ay ka geesteen falal isugu jira dhac iyo dil.
Eedeesanayaasha la xakumay ayaa isugu jiray kuwa dhac iyo dil ka geestay Xawaaladda kaah Express 27-ka bishii March ee sanadkan 2013 iyo dhalinyaro dhac iyo dil ka iyana ka geestay suuqa dahabka lagu iibiyo ee magaalada Boasao 21-da bishaan October ee sanadkan
Maxkamadda ayaa ugu horeyn dhegeysatay dacwada raggii ku eedeysnaa dhacdadii Xawaaladda kaah Exprees, waxana maxkamadda markaasi kadib ay ku riday xakuno isugu jiray dil iyo xarig
Dadka la xakumaya oo ku eedeysnaa in ay dileen 3 ka mid ah shaqalaha Xawaaladda isla markaana dhacay lacag dhan $72,900 dollar ayaa lagu kala magacaabaa Farxaan C/qaadir Xasan oo ku magac dheer Dabliq waxa ay maxkamadda ku xakuntay dil toogasho ah, C/fitaax Burhaan iyo Maxamad Nayl oo aan gacanta lagu heyn waxa ay maxkamadda ku xakuntay dil toogasho ah, Jamaal C/nuur waxa ay maxkamadda ku xakuntay 10 sano oo xarig ah, C/xaafid 10 bilood ayey maxkamadda ku xakuntay, Maxamad Cabdullaahi Cabd iyoC/qaadir Xasan Dabliq maxakamadda way fasaxday kadib markii lagu waayay dambiga
Gudoomiyaha maxakamadda C/fitaax Xaaji Aadan oo ku dhawaaqay xakunka ayaa yiri “Maxkamadu marka ay dhageysatay difaaca qareenka eeda xeer ilaalinta, maxkamadu marka ay dhageysatay qiraalka eedeeysanayaashu bixiyeen, maxkamadu marka ay daalacatay shareecada islaamka iyo waxa ay ka qabto, waxa ay ku xukuntay eedeeysanayaasha kala ah: Farxaan C/qaadir Xasan ina dable, ina Waris Xaaji 30jir dil toogasho ah, Cabdi Fataax Duraan oo maqane ah maxkamadu waxa ay ku xukuntay dil toogasho ah, Maxamed Neyl oo maqane ah maxkamadu waxa ay ku xukuntay dil toogasho ah, Jamaal Cabdi Nuur oo ahaa ninkii sahanka u qaabilsanaa raggan maxkamadu waxa ay ku xukuntay 10 sano oo xarig ah, C/xaafid maxkamadu waxa ay ku xukuntay 8 bilood oo xarig ah iyo qorigii uu ka lunsaday askariga, Maxamed C/laahi Cabdi maxkamadu waxa ay u soo celisay xoriyadiisa maadaama booliska iyo xeer ilaalintuba ay keeni waayeen wax cadeeyn ah”.
Dhanka kale maxkamadda ayaa waxa ay dhegeysatay dacwadda dad ku eedeysnaa in ay dhac iyo dil ka geesteen suuqa dahabka lagu iibiyo, waxa ayna maxjamadda ku xakuntay xakuno isugu jiray dil iyo xarig
C/raxmaan Cumar Dhaaye oo ku magac dheer Jarerow oo ku eedeysnaa in uu dilaySsahro Cali Shire oo ka mid ahayd haweenka iibiya dahabka waxaa lagu xakumay dil toogasho ah, Maxamad Fows Cartan oo ku magac dheer ilkacase waxa ay maxkamadda ku xakuntay 10 sano oo xarig ah, Khaliif Cumar Dhaaye waxa ay maxkamadda ku xakuntay 5 sano oo xarig ah, Ayaan Cumar Dhaaye way fasaxday maxkamadda oo damiin ayaa lagu fasaxay, iyadoo bixindoonta qarashka dahabkii la dhacay iyo Roodo Cabdullaahi Cige oo iyadana la fasxaay.
Mareeg.com