Boosaaso: Culumo siyaasiyiinta Soomaaliya ugu baaqay maamul wanaag iyo hufnaan * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Boosaaso: Culumo siyaasiyiinta Soomaaliya ugu baaqay maamul wanaag iyo hufnaan

Boosaaso – Mareeg.com: Waxaa lagusoo gaba gabeeyay Majidka wayn ee Al Rawda ee Magaalada Bosaso Nadwadii kasocotay oo ahayd Nadwadii 12aad ee lagu qabto Bosaso Mawduuceeduna uu ahaa (أعمال القلوب)  ,iyadoo intay socotay laga soo jeediyay Duruus aad u qiima badan oo ay ka qayb qaateen Culimo kala duwan.

Markii culimadaasi soo gebegeebeeyeen Nadwada ayaa waxey soo saareen baaq ka koobaan 12 qodob kuwaasoo u qornaa sidan:

Bulshada guud

1. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan umadda Soomaaliyeed alle kacabsi iyo inay qabsadaan kuna dhaqmaan Kitaabka iyo sunnada Nabiga (nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ha ahaato)

2. Waxaan ugu baaqaynaa umadda Soomaaliyeed walaalnimo, heshiis, is cafin,iyo in ay ilaaliyaan midnimadooda

3. Waxaan ugu baaqaynaa bulshada inay ka fogaadaan dhaqamada xun-xun ee dhaawacaya diinteena, sida: sixun u adeegsiga internetka, qaawanaanta, filimadaxun, heesaha, daroogada, oo uu ugu daranyahay qaadku,

4. Waxaan ugu baaqaynaa bulshada gaar,ahaan dhalinyarada wiilal iyo gabdhaba inay kawaan toobaan tahriibta taasoo ay kala kulmaan dhibaatooyin W/weyn oo ay ka mid yihiin dhaqaale burbur, xarig, kufsi, dhimasho, iyo qoysaskii ay kadhasheen oo burbura, ogaadaana qofka qatartaas u bareera in uu lamid yahay qof naftiisa dilay sharci ahaanna aanay bannaanayn.

5. Bulshada Soomaaliyeed waa inay ka digtoonaadaan hindi-sayaasha ay wataan hay,adaha gaaladu ee khilaafsan diinteena, taasoo ay hada ugu darantahay dagaalka qaawan ee lagu diidanyahay gudniinka gabdhaha ee Sharciga ah, iyadoo diinteenu amartay in la gudo rag iyo dumarba, waxaase xusid mudan in uu xaaraam yahay gudniinkii loo isticmaali jiray gabdhaha ee loo yaqaanay fircooniga, hadaba culimadu waxay fatwo kusoo saareen in gudniinka gabdhaha ee sharciga ah uu yahay shay diin ah oo aan sinaba looga tegi Karin.

Siyaasada

6. Waxaan ugu baaqaynaa siyaasiyiinta Soomaaliyeed in ay kashaqeeyaan danaha dalka, dadka iyo diinta, kana fogaadaan wax yaabaha iska horkeeni kara ummadda Soomaaliyeed, lana yimaadaan maamul wanaag iyo hufnaan.

7. Dawaladda fedraalka waxaan ugu baaqaynaa in ay si degdeg ah ugu hawlgasho daryeelida qaxootiga Soomaaliyeed ee ku firirsan daafaha dunida iyo dalkaba gaar ahaan kuwa hadda dhibaatadu ku haysato dalka keenya.

8. Culimadu waxay si adag u canbaaraynaysaa hab dhaqanka dawladda Kenya ay kula kacday Bulshada Soomaaliyeed ee martida u ah xiligaan danbe.

9. Maamulada Soomaalida: waa inay daryeelaan dadka iyo Gobolada ay xukumaan islamarkaasna kafogaadaan wixii keeni kara dhiig Soomaaliyeed oo daata, Hogaanka dhaqanka:

10. Waxaan ugu baaqaynaa isimada, nabadoonada iyo Cuqaasha, in ay u weel qaadaan dib u heshiisiinta, kala guridda, iyo nabadaynta beelaha soomaaliyeed ee ay hogaanka u yihiin, beeluhuna waa inay la yimaadaan isu turid, dulqaad, is cafin, iyo isu calool xaarnaan.

Haweenka:

11. Haweenka Soomaaliyeed waxay leeyihiin mudnaan wayn maadaama ay yihiin  hooyooyinkii ummadda, sidaa darteed waa in ay gartaan kaalin tooda ay siisay shareecadu kana fogaadaan dabinada lagu majara  habaabinayo waxna loogu  himayo sharaftooda iyo maamuus kooda, ogaadaanna in ay siisay shareecadu  xuquuq dooda oo  dhamaystiran Culimada iyo aqoon yahanka :

12. Waxaan ugu baaqaynaa Culimada iyo aqoon yahanka Soomaaliyeed inay ku beeg toonaadaan kaalinta ay ku leeyihiin bulshada, ee ah toosinta dhaqankooda iyo tayaynta tacliintooda kana wacyi geliyaan wixii dhaawacaya quluubtooda, Akhlaaqdooda iyo dhaqan kooda suuban.

Mahadnaq:

Waxaan umahad naqaynaa mu,asasadii soo abaabushay kulan cilmiyeedkaan ee  Alminhaaj, iyo dhammaan gudiyada kashaqay naayey, waxaan kale oo u mahad naqaynaa  bahda saxaafadda qaybaheeda kala duwan sida: tvyada, idaacadaha, mareegaha ka qayb  qaatay baahinta iyo tebinta kulan cilmiyeedka, waxaan kale oo u mahad naqaynaa  dhamaan dhinacyadii kaqayb qaatay taaba gelinta iyo qabsoomida kulan cilmiyeedka.

Gunaanad: Culimadu waxay eebe uga baryayaan umada Soomaaliyeed in alle waafajiyo kutoosnaanta diintooda, ilaalinta midnimadooda, iyo xoojinta walaal nimadooda Culumada Baaqa soosaaray

1. Shiikh Daahir Aw Cabdi

2. Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf

3. Shiikh Maxamuud Maxamed Xalliike

4. Shiikh C/raxmaan Maxamed Dhowre (Bukhaari)

5. Shiikh Fu,aad Maxamuud Xaaji Nuur

6. Shiikh Xasan Xuseen Axmed

7. Shiikh Faarax Maxamed Cajab

8. Shiikh Axmed Maxamed Siciid

9. Shiikh Yuusuf C/casiis Maxamed

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!