Booqashadii Erdogan ee Soomaaliya oo saddex sano jirsatay (Sawirro) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Booqashadii Erdogan ee Soomaaliya oo saddex sano jirsatay (Sawirro)

Mareeg.com: Sadax sano ka hor, manta oo kale waxaa Muqdisho kazoo degay madaxweynaha dhawaan la doortay ee dalka Turkiga, Mr. Recep Dayib Erdogan, xilligaasna ahaa R/wasaaraha dalkaas.

Guud ahaan xaalada Soomaalıya waxay aheyd mıd aad halıs u ah, waxaa wadanka ku dhiftay abaartii ugu ba’neyd taas oo ay wehliyeen dagaalo qaraar oo ka socday magaalooyin badan oo wadanka ka mid ah, nabadgelyo daro guud iyo cuduro kuwaas oo nolosha dadka Soomaalıyeed geliyay ciriiri sababay rejo beel, dowlada Soomaaliya iyo shacabka ayaa qeylo dhaan u diray caalamka si looga soo gaaro nolosha malaayiintaas Soomaaliyeed, nasııb daro lama helin jawaab suurto gelisa in la badbaadıyo nolosha dadkaas, taasina waxay sababtay quusatiin ıyo nıyad jab.

Maanta oo kale 19/08/14 ayaa waxay noqotay maalin baal dahab ah ka gashay taariikhda ummadda Soomaaliyeed, waxay ahayd maalintii uu dalka Soomaaliya booqashada taariikhiga aheyd ku yimid Raisulwasaare Recep Dayib Erdogan kaas oo hogaamınayay wefdi aad u balaaran oo ay ka mid ahaayeen xubno ka tıisan golahiisa wasiirada, xildhibaano, xaaskiisa ıyo weliba qaar ka mid ah caruurtiisa.

Waxey aheyd markii ugu horeysay mudo ka badan labaatan sano uu Soomaaliya booqasho ku yimaado mus’uul ka socda wadan ka baxsan qaarada Afrika ayna la socdaan wefdi sıdaas u balaaran, RW Erdogan ayaa markıı uu soo degay toos u abaaray xerooyinkıı qaxootiga halkaas oo ay ku sugnaayeen dad Soomaalıyeed oo ay wajıyadooda ka muuqatay dhibaatada haysata, warbaahinta caalamka ayaa soo saaray muuqaalka RW Erdogan ıyo xaaskıısa oo dhabta ku haya caruur Soomaaliyeed oo la il daran nafaqo daro, hadaladii uu maalıntaa jeediyay ayaa waxaa ka mid ahaa ‘’Waxaa la yiraa Muqdisho lama tegi karo, waa nimid si aan taa u beenino, kuwo kalena wey imaan doodnaan’’ booqashadaasi waxay albaabka u furtay madaxda caalamka kuwaas oo markaaa ka dib bilaabay ın ay ku soo qulqulaan Soomaaliya. Waxaa furmay wejı cusub oo aad u xoojiyay xiriirka Turkiga ıyo Soomaaliya.

Waxaa la furay Safaaradii Turkiga ee Muqdisho, waxaa shaqo bilowday diyaaradda Turkish Airlines taas oo ilaa maanta ah duulimaadka kaliya ee isku xira Soomaaliya iyo caalamka intıısa kale, waxaa deeq wabarasho helay kudhawaad laba kun arday Soomaaliyeed ah, dib u dhis waddooyinka, cısbitaalada iskoolada, adeegyada aas aasiga ah ee bulshadu u bahan tahay iyo guud ahaan in weli walaalaha Turkigu ay garab taagan yihiin shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Booqashada Erdogen ayaa sababtay in madax badan oo caalamka ka socda ay yimaadaan magaalada Muqdisho waxaana ka mid ahaa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki_Moon. Dowlada Turkiga ayaa waxa ay furtay safaaradeeda taasoo sidoo kale sababtay in ay wadamo badan oo caalamka ah ay ku daydaan xukuumada Turkiga ayna ballanqaadaan in ay furanayaan safaaradooda.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!