New York, Mareeg.com: Iyadoo 2 bilood iyo bar ay kazoo wareegtay markii Alshabaab weerar dhiig badan ku daatay ku qaadeen xarrunta ganacsiga Westgate ee magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa waxaa soo baxay warar sheegay in raggii xarruntaas weeraray laga yaabo iney baxsadeen oo aan la qaban ama aan la dilin.
Booliska magaalada New York ee waddanka Maraykanka ayaa shaaciyay inay u badantahay inay baxsadeen afartii nin ee qaaday weerarkii Westgate, islamarkaana dilay ilaa 67 ruux.
Booliska magaalada New York waxay sheegeen inay warbixintooda ku saleeyeen macluumaad sirdoon ah oo ay heleen, waxeyna warbixinta booliska magaalada New York beeninaysaa hadalo horay ay u jeediyeen saraakiisha dhanka ammaanka ee Kenya kuwaasoo sheegay in raggii weerarka qaaday lagu dilay iska horimaad ka dhacay gudaha xaruntaas.
Warbixinta ayaa lagu sheegay inaan wax cadayn ah loo haynin in la dilay raggii weerarka qaaday ayna u badantahay inay baxsadeen iyagoo taasna sabab ugu dhigay dabacsanaan ka timid xagga ciidamada Kenya.
Laamaha amaanka Kenya ayaa tirada ragii weeraray ku qiyaasay ilaa 10, waxeyna sheegeen in dhamaaantood la dilay, waxeyna sheegeen iney baarayaan meydka 4 ruux oo laga soo saaray dhismahaas.
Alshabaab oo sheegtay mas’uuliyadda weerarkii Westgate ayaa markii uu dhamaaday warbaahinta u sheegay in raggii weerarary xarruntaas ay shahiideen kadib markii ay guteen howshii ay baxeen.
Mareeg.com