Booliska:Ammaanka degmadooda Qoryooley waa mid la isku halleyn karo
Qoryooleey ( Mareeg)-Taliyaha Ciidanka Booliska Maamulka degmada Qoryooleey ee Gobolka Shabeelaha Hoose Amadi Gaabow Buule ayaa ka warbixiyay xaaladda ammaan ee degmada Qoryooleey oo dhawaan weeraro ay ka dhaceen.
Amadi Gaabow Buule ayaa tilmaamay in Ciidamo ay geeyeen duleedka degmada Qoryooleey kuwaas oo ka hortagaya abaabul kasta oo amni darri ee ku soo fool leh degmada Qoryooleey.
Dhinaca kale Taliyaha ayaa xusay in Meydka 1 dagaalyahan oo Al Shabaab ka tirsanaa ay ka heleen duleedka degmada Qoryooleey gaar ahaan nawaaxiga beerta Xaaji Saalimow kaas oo ku dhintay dagaalkii dhawaan ka dhacay degmadaasi.
Al Shabaab ayaa dhawaan la wareegay inta badan degmada Qoryooleey kadib weerar xoogan oo ay ku ekeeyeen degmadaasi.
Comments are closed.