Booliska Soomaaliya oo si Joogta ah leh loo siiyo Mushaaraadkooda

Read Time:51 Second

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa muddo dhowr bilood kadib oo ay mushaar la’aan ahaayeen waxay shalay iyo maanta qaadanayeen mushaaraadkooda.

Mushaar bixinta ayaa ka socota qaar ka tirsan Saldhigyada Booliska, iyadoo Guddi ka socda Booliska Soomaaliya ay ka qeyb qaadanayaan mushaar bixinta.

Ciidamada Booliska oo isugu jira Rag iyo Dumar ayaa qaadanayay mushaar dhan $100 bishii iyo lacag iidaan ah oo bil walba loogu tala galay.

Askariga mushaarka qaadanaya ayaa magaciisa la yeerinayaa, dabadeedna saxiixaya inuu mushaar qaatay, waxaana liiska ciidamada booliska laga tixraacayay faylal ay wateen Guddiga qaabilsanaa mushaar bixinta ciidamada.

Qaar ka mid ah Ciidamada Booliska ayaa sheegay in wali ay ka maqan yihiin mushaarka bilo ka hor, waxaana inta badan mushaarka Booliska bixisa UNDP oo hey’ado deeq bixiyeyaal ah u soo marsiiyaan.

Hase ahaatee ma ahan joogto mushaarka, waxaana dhacda in bilo aysan helin wax mushaar ah.

Goobaha ay ka socotay mushaar bixinta ayaa waxaa kormeeray Taliyaha Ciidamada Booliska Jen. Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, waxaana saraakiishii mushaarka la qaadanayay ciidamada ku jiray Taliye kuxigeenka Booliska Soomaaliyeed Jen. Mukhtaar.mushaar-5mushaar-4

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.