Booliska Soomaaliya oo maanta u dabaal dagay 75sano Guurada aasaaskoda.

Read Time:36 Second

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa maanta u dabaal degaya 20-ka December oo ah sanad-guuradii 75aad ee ka soo wareegatay markii la aas aasay, iyadoo munaasabada dabaal dega ay ka socoto Garoonka Kubadda Cagta ee Koonis.

Munaasabadda ayaa waxaa ka qeyb galaya Saraakiil ka tirsan ciidanka qalabka sida, Mas’uuliyiin iyo dadweyne laga keenay degmooyinka Gobolka Banaadir.

Madaxda ugu sareysa dalka ayaa la filayaa inay ka qeyb galaan Munaasabadda sanad-guurada 75aad ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Qeybaha kala duwan ee ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa Munaasabadda ku soo bandhigi doono fantasiyo iyo gaardis, iyagoo sidoo kale soo bandhigaya qalabka ay heystaan.

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo la aas-aasay 20 December 1943, waxaa lagu tilmaamaa inay yihiin Hooyada Ciidanka Qalabka Sida Soomaaliyeed.

About Post Author

Ahmed weheliye Gaashaan

freelance journalist covering events in Somalia, SocialActivist, writer, PoliticalAnalyst .contact gaashaan1960@gmail.com
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %