Booliska Soomaaliya Oo La Siiyey Jaakadaha Iyo Koofiyadaha Xabadda Laga Xirto * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Booliska Soomaaliya Oo La Siiyey Jaakadaha Iyo Koofiyadaha Xabadda Laga Xirto

Muqdisho – (Mareeg.com): Boolsika Soomaaliya ayaaa dalkqa Japan ka helay qalabka xabadda looga gabado oo ka kooban jaakadaha xabadka xabadka la gashado iyo koofiyadda madaxa.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jenaraal C/xakiim Daahir Siciid (Saacid) oo qalabkan ka gudoomay mas’uuliyiin ka socday dalka japan ayaa sheegay in qalbaakasi gaarayo 1000 (Kun xabo) oo ah jaakadaha la isaga difaaco xabadda iyo koofiyado.

Jen. Saacid ayaa dowladda Japan uga mahad celiyey qlabka ay ku taageertay booliska Soomaaliya oo dib loo unkay, isagoo aan heysan wax qalab ah.

Dowladda Japan ayaa intii uu xilka hayey madaxweynihii dowladdii KMG aheyd Shariif Sheekh Axmed waxey booliska Soomaaliya siisay inta badan gaadiidka uu hadda caasimadda uga howlgalo.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!