Muqdisho: Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay Taliyihii hore ee Ciidamada Asluubta Soomaaliya Cabdi Maxamed Ismaaciil oo ay muddo ku raad joogen, islamarkaana sanadkii hore maxkamadda ciidamadu ku riday xkunu xabsi daa’in xiilli uu ku jiray baxsada.
Taliyaha hogaanka dambi baarista Soomaaliya ee CID Jen. Saciid Axmed Kediye ayaa sheegay in qeybaha kala duwan ee ciidamada ay ku daba jireen sarkaalkan horay uga tirsanaa Ciidamada Asluubta, kadib markii uu horay u baxsaday.
Taliyaha ayaa sheegay in Cabdi Maxamed Ismaaciil xalay laga soo qabtay deegaanka Madiina oo uu ku dhuumaaleysnayey muddo 6 maalmood ah oo Muqdisho ku sugnaa kadib markii uu dalka kusoo laabtay.
Taliyaha ayaa sheegay in gurigiisa laga helay Laptop iyo taleefano, isla markaana lagu haayo mid ka mid ah saldhigyada ciidan ee ku yaala magaalada Muqdisho, islamarkaana lagu sameynayo baaritaan dheeraad ah.
Jen. Saciid Axmed Kediye ayaa sheegay in Cabdi Max’ed Cabdi Ismaaciil uu intii xilka hayey xiiri wanaagsan la yeeshay Alshabaab, uuna yahay dabmiile.
“Dambiile Cabdi Maxamed Ismaaciil Ex- S. guuto oo maxkamada ciidamada qalabka sida ku xikuntay xabsi daa’in kadib markii uu gacan saar la yeeshay Shabaab markii la ogaadayna uu ka baxsaday dalka, isagii oo caawa saacadu markey aheyd Laba saac iyo bar ku dhuumaaleysanaya xaafada Madiina ayaa ciidamada amniga oo hore ugu raad joogay ku guuleysteen iney gacanta ku soo dhigaan’’ ayuu yiri Siciid Axmed Kadiye Taliyaha waaxda Baarista dembiyada ee CID.
Ninkaan ayaa markii uu ka baxsaday caasimadda Soomaaliya waxaa la sheegay inuu tegay magaalada Boorame ee ka tirsan maamulka Somaliland.
Taliyihii hore ee Ciidamada Asluubta ayaa lagu eedeeyay inuu ka dambeeyay sii deynta rag ka tirsanaa Al-Shabaab oo ku xirnaa xabsiga dhexe, kuwaasoo qaarkood dil toogasho ku xukunaa.
Bishii December ee sanadkii 2012 ayaa maxkamadda ciidamadu xukun xabis daa’in ah ku riday Ex Jen. Maxamed Cabdi Ismaacil.
Maxkamadda ciidamada ayaa sarkalkaas hore ku xukuntay waxyaabahan hoos ku qoran:
1- In laga saaray ciidamada dawlada Soomaaliya.
2– In laga xayuubiyey derejadii ciidanka uu ka hayey.
3– In laga mamnuucay qabashada wax xil ah ciidamada qalabka-sida.
4– In lagu xukumay xarig xabsi daa’in ah inta noloshiisa ka hartay.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan xabsiga dhigay saraakiil ka tirsan ciidamada Asluubta oo uu ku jiro Taliyaha Xabsiga Dhexe ee Xamar, oo loo heystay rag laga sii daayay Xabsiga oo dambiyo kala duwan ku eedeysnaa.
Mareeg.com