Booliska Soomaaliya oo gacanta ku dhigay 4 loo heysto dilka odayaashii lagu laayey Buurhakabo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Booliska Soomaaliya oo gacanta ku dhigay 4 loo heysto dilka odayaashii lagu laayey Buurhakabo

Muqdisho – Mareeg.com: Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in gacanta lagu dhigay 4 nin lagu tuhmayo inay ku lug lahaayeen  dil wadareed  dhawaan duleedka degmada Buurhakaba ee gobolka Baay loogu geystay odayaal dhaqameedyo Soomaaliyeed oo kazoo jeeday Shabeellaha Hoose.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliye S/guuto Cabdixakiin Daahir Saciid “Saacid” oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in raggan lagu tuhmayo in ay ku luglayaaheen falkii 23-kii bishii Maarso 2014 lagu dilay odoyaal dhaqameed lagu guuleystay in la soo qabto, waxaana uu intaa ku daray in baaritaan ku socdo.

“Ciidamadu waxa ay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan 4 ka mid ah ragga lagu tuhmayo in ay falkaasi geysteen, 2 ka mid ah waxaa laga qabtay magaalada Buurhakaba, halka 2-da kale laga qabtay magaalada Baydhabo” ayuu yiri taliyaha booliska Soomaaliya, Jen. Saacid.

Jeneraalka ayaa xusay in lagu raad joogo rag kale oo lala xiriirinayo falkaasi, isagoo tilmaamay in ragga hadda gacanta lagu hayo lala tiigsan doono sharciga.

23-kii bishii Maarso ee dhamaatay ayaa meel ku dhow degmada Buurhakabo ee gobolka Baay lagu dilay 8 oday dhaqameed, kuwaasoo ka tegay Baydhabo, kuna sii jeeday Shabeellaha Hoose, kadib markii ay ka qeybgaleen shirkii lagu dhisay maamulka 6-da gobo lee madaxweynaha loogu doortay Madoobe Nuunow Maxamed.

Lama garan ciddii dilkaas geysatay, waxaana falkaas iska fogeeyey Alshabaab oo dadka qaar farta ku fiiqeen.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!