Booliska Soomaaliya oo gaari ku horjaray kolonyo Amisom, Sabab?

Mareeg.com: Askar ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa khamiistii ku dhiiraday in gaari ay wateen ku horjaraan kolonyo ka tirsan milateriga ciidamada Midowga Afrika ee Amisom, kuwaasoo gaari shacab leeyihiin ku jiiray agagaarka buundada Sayidka ee wadada Maka Almukarrama ee magaalada Muqdisho, islamarkaana isaga dhaqaaqay.

DSC01106

Markii gaari ka mid ah kolonyada Amisom oo ku dhacay gaari yar oo dad shacab ah wateen ayaa waxaa durba ka daba dhaqaajiyey gaari ay leeyihiin booliska Soomaaliya, wuxuuna hordhigay markii kolonyada Amisom marayeen agagaarka Hotel Weheliye.

Ciidamada AMISOM ayaa halkaas joogsaday, waxaana sidoo kale goobtay tegay ciidamada booliska AMISOM, iyadoo dood kadib la isla gartay in la isla tago xerada Xalane oo looga taliyo AMISOM si wax loogu qabto ninka gaarigiisa dhibka la gaarsiiyey.

DSC01109

Ma jirin wax khasaare aadane ah oo ka dhashay shilkii gaari, sidoo kale ma dhicin wax gacan ka hadal ah oo dhexmaray ciidamada booliska Soomaaliya iyo milateriga AMISOM.

Horay ayaa ciidamada AMISOM waxey u jiireen dad iyo gaadiid, marar badan oo ka mid ahna wey isaga tageen, inkastoo inta badan dhibaatooyinka mag laga bixiyey.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245