Booliska Soomaaliya oo gaadiid ciidan ka helay Midowga Afrika * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Booliska Soomaaliya oo gaadiid ciidan ka helay Midowga Afrika

Muqdisho – Mareeg.com: Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya, Danjire Maxamed Saalax Annadif ayaa maanta gaadiid ku wareejiyay taliska ciidanka booliska, kuwaasi oo loogu talagalay in loogu adeego amniga caasimadda Soomaaliya.

Danjire Maxamed Salax Annadif ayaa booliska Soomaaliya ku wareejiyey 10 gaadiidka ciidamada ah, waxaana uu xusay in Midowga Afrika uu dadaal ugu jiro ka qeyb qaadashada xasilinta nabadgelyada guud ahaan Soomaaliya, islamarkaana ay sii wadayaan taageerada ay siinayaan ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Taliyaha hogaanka Saadka ee ciidanka booliska Jeneraal C/laahi Xasan Bariise oo isna goobta ka hadlay ayaa tilmaamay in gaadiidkaasi lagu wareejiyay ciidanka booliska lagu xoojin doono howlgallada ay ciidamada ku sugayaan amniga, isagoo danjiraha uga mahadceliyay sida ay u garab taaganyihiin ciidanka booliska.

Munaasabaddii wareejinta gaadiidkaasi oo ay ka qeyb galeen saraakiil kala duwan oo ciidanka ah ayaa waxaa la isla meel dhigay in la xoojiyo wada shaqeynta ka dhexeysa ciidanka booliska iyo kuwa AMISOM, si loo dar dargeliyo howlaha amniga lagu xoojinayo.

Dalka Japan ayaa horay gaadiid farabadan ugu wareejiyey booliska Soomaaliya, isagoo dhawaanna mar kale ku wareejiyey qalab kale oo loogu tala galay xafiisyada maamulka.

Mareeg.com

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Mareeg.com somalia, World News and Opinion.