Mareeg Media
Somalia

Booliska Soomaaliya oo dhowr qof u soo qabtay dilal maanta ka dhacay Muqdisho

Saraakiisha Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa waxa ay sheegeen inay dad kala duwan ay u soo qabteen dhacdooyin dilal kala duwan ah oo maanta ka dhacay gudaha Magaalada Muqdisho.

Dil ka dhacay Nawaaxiga Isbitaalka Digfeer ee Degmada Hoden ee Gobolka Banaadir, waxaa loo soo qabtay Sideed ruux.

Dil ka dhacay agagaarka Saybiyaano, waxaa ay sheegeen Saraakiisha Ciidamada Booliska Soomaaliya in loo soo qabtay Ciidankii dilkaasi gaystay oo dilay Dayax Iimaan Jiirow oo dowladda hoose ka tirsanaa, kaasi oo xabad dhashiike ah lagu dilay.

Hooyo Aamino Xuseen Xasan oo maanta Jaamacadda Soomaaliya lagu dhex dilay,ayaa waxa dilkeeda loo soo xiray Waardiyeyaashii Jaamacadda iyo Macalinkii xiisada bixinaayay.

Sidoo kale waxa ay sheegeen Saraakiisha Ciidamada Booliska Soomaaliya in Dhammaan Dadkaan ay Booliska soo qabteen la horgeyn doono Cadaaladda baaris kadib.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!