Muqdisho: Ciida booliska Soomaaliya ayaa maanta isku gedaamay Idaacadda Shabeelle oo degan guri ay leedahay dowladda Soomaaliya oo ku yaalla halka laga galo garoonka diyaaradaha Aaden Cadde ee magaalada Muqdisho, kaasoo ay leedahay Shirkadii Somali Airline.
Wararka ayaa sheegaya ciidamadani ay fulinayaan amar ka soo baxay Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka C/kariim Xuseen Guuleed, kaasoo ku saabsan in Idaacada Shabelle ay ka guurto dhismaha ay degan tahay oo ay leedahay dowladda Soomaaliya.
Idaacadda ayaa hadda hawada ka maqan, lamana oga in ciidamadu damiyeen iyo in maamulka iskii hawada uga saaray kadib markii ciidamadu isku hareereeyeen.
Sidoo kale, waxaa hawada ka maqan mowjad kale oo lamaansan Shabeelle, taasoo lagu magacaabo Sky FM oo iyaduna ku taalla isla dhismahaas.
Dhismahan Shirkadii Somali Airline ee Wasaarada Gaadiidka cirka iyo dhulka ayaa waxaa Maamulka Shabelle uu ku andacoonayaa inuu sanadkii hore heshiis la gaaray Wasaarada Gaadiidka, isla markaana loogu fasaxay inay sii degenaadaan.
Shabeelle ayaa baahisay in lasoo gaarsiiyey warqad amar ah wasaaradda arrimaha gudaha Soomaaliya kaga timid, taasoo ku amartay in idaacaddu uga guurto dhismaha ay daggan tahay ugu dambeyn 25-ka bishan oo shalay ku beegnayd.
“Ciidammo ka tirsan kuwa dowladda oo hubeysan ayaa gudaha u soo galay idaacadda, waxayna qaateen qaar ka mid ah qalabkii idaacadda yaallay,” ayuu ka yiri mid ka mid ah wariyeyaasha idaacadda intii aan idaacadda la xirin.
Idaacadda Shabeelle oo degan gurri ay leedahay dowladda Soomaaliya ayaa aheyd warbaahinta ugu dhaleeceynta badan madaxda dowladda. Idaacadaas ayaa sidoo kale aad u tabisa wararka xasaradda ku dhisan.
Mareeg.com