Booliska Somaliland Oo Xiray Nin Dhaawacay Sheekh Muaxaadaro Jeediyey

Read Time:46 Second

Hargeysa – Mareeg.com: Booliiska maamulka Somaliland ayaa ku dhawaaqay iney gacanta ku hayaan nin dhawaan toorrey ku dhaawacay Sheekh muxaadaro ku qabtay fagaaraha Kheyriyadda ee magaalada Hargeysa.

Taliye ku xigeenka booliiska Somaliland, Jen. C/raxmaan Liibaan Fooxle ayaa sheegay in ninkii dhaawacyada u geystay Sheekha Maxamed Haybe ay gacanta ku hayaan.

“Ninkii dhaawaca u geystay Sheekha gacanta ayaan ku haynaa waxaana weydiinaynaa su’aalo ku saabsan sababta keentay inuu dhaawco Sheekh Maxamed Haybe,” ayuu yiri taliye ku xigeenka Somaliland.

Booliisku ma sheegin magaca ninka geystay dhaawaca Sheekha; balse taliye ku xigeenka ayaa hadalkiisa ku daray in marka ay soo gunaanadaan su’aalaha ay ruuxan ay u gudbin doonaan maxkamad magaalada Hargeysa.

Sheekh Maxamed Haybe ayaa noqonaya wadaadkii ugu horreeyay oo lagu dhaawaco magaalada Hargeysa, mana jirto wax hadal ah oo uu Sheekhu siiyay warbaahinta tan iyo markii la dhaawacay.

Sheekh ayaa waxaa gaaray labo dhaawac, wuxuuna ku jiraa Isbitaal ku yaalla magaalada Hargeysa.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by A Warsame is senior Editor and managing Director of Mareeg Media Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.