Booliska Somalia oo ka digay banaanbaxyo ka dhaca Muqdisho * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Booliska Somalia oo ka digay banaanbaxyo ka dhaca Muqdisho

Taliska Booliska Soomaaliyeed ayaa ka digay banaanbaxyo lagu qabto Magaalada Muqdisho, Iyada oo Maanta ilaa shalay guud ahaan Magalada Muqdisho ay ka jirtay hadal-heyn ku aadan in ay ka dhici doonaan banaanbaxyo looga soo horjeedo dowladda soomaaliya.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed(Ameerika) ayaa sheegay in banaanbax in la qabtaa aysan wax weyn aheyn, hayeeshee loo baahan yahay in la cadeeyo u jeedkiisa,isla markaana ogolaansho laga heysto laamaha Amniga Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay taliyaha in xilliyada banaanbaxyada la qabanayo ay jiraan dad burcad ah oo kusoo dhex dhuumanaya,kuwaasoo dhac u geysanaya hantida dadweynaha.

Taliyaha waxaa uu hadalkiisa intaasi raaciyey in hadda ay hayaan dacwado uga yimid dad hantidooda la boobay, isaga oo ka digay in Muqdisho ay banaanbaxyo ka dhacaan.

Banaanbaxyada laga cabsi qabo inay ka dhacaan Magalada muqdisho ayaa yimid kadib markii maalin ka hor Siyaasiga Salaad Cali Jeelle uu sheegay in Siyaasiyin mucaarad ku ah dowladda oo lacag kasoo qaatay Imaaraadka ay qaban qaabinayaan in Magalada Muqdisho uu ka dhaco banaanbax looga soo horjeedo dowladda Soomaaliya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!