Booliska Somalia oo fashiliyey qarax lagu diyaariyey hareeraha wadada Maka Al-Mukarama * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Booliska Somalia oo fashiliyey qarax lagu diyaariyey hareeraha wadada Maka Al-Mukarama

Saraakiisha ciidanka Booliska dowlada Somalia ayaa sheegay iney fashiliyeen qarax lagu soo qariyey bac madow oo la dhigay hareeraha wadada mashquulka badan ee Maka Al-Mukarama.

Taliye ku-xigeen Booliska saldhiga degmada Waaberi Labo Xidigle C/llaahi Axmed Xalane ayaa sheegay bacdan lagu soo qariyey waxyaabaha qarxa la dhigay agagaarka hotelka Mubaarak laamiga dhinaciisa.

“Waxaa la doonayey qaraxan in lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed ee wadadan isticmaala” ayuu yiri Labo Xidigle C/llaahi Axmed Xalane.

Waxaa uu sheegay in Miinadan ay furfureen ciidanka booliska Soomaaliyeed qeybta miinooyinka, laguna guuleystay in si nabadgelyo ah goobta looga qaado, isagoo u mahad celiyey shacab halkaas ku sugna oo soo wargeliyey ciidanka.

Isku socodka dadka iyo gaadiidka ee wadada Maka Al-Mukarama ayaa oo muddo kooban hakad laa geliyey ayaa caadi ku soo laabtay, waxaana beenoobay warar markii hore soo baxay oo sheegayey in gaari qarax looga shakiyey lagu arkay kaasoo markii hore laga soo xigtay saraakiisha Booliska.

Cabsi badan oo laga qabo qaraxyo iyo weeraro kale ayaa ka taagan magaalada Muqdisho ka dib markii Al-shabaab ay dhowaan weeraro ismiidaamin ah iyo kuwo toos ahba ay ku qaadeen hotelo ku yaala magaalada.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!