Mareeg Media
Somalia

Booliska oo xiray nin weerar ka geystay Muqdisho

201

Nin hubeysan ayaa Bambo Gacmeed ku weeraray Saldhig Ciidanka Booliska ay ku leeyihiin degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Ninkaan ayaa weerarka geystay xilli ay shir ku jireen Saraakiisha Ciidanka Booliska degmada sidda ay sheegtay taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska.

Ciidanka Booliska ayaa ku guuleystay in ay gacanta ku dhiggaan ninkii bambadda ku tuuray sidda ay xaqiijisay taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska.

“Fadhi ay ciidanka boliiska ku leeyihiin waaxda Barwaaqo ee degmada Yaaqshid ayaa bam gacmed lagu soo tuuray waana la qabtay dhagarqabaha bamka soo tuuray. Baaris ka dib waxaa la marsiinaa sharciga” ayay tiri taliye ku xigeenka booliska Sakiyo Xuseen.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!