Booliska oo xiray Askari dil ka geystay Muqdisho — Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Booliska oo xiray Askari dil ka geystay Muqdisho

Barqanimadii Maanta ayaa Askari ka tirsan Ciidamada Booliiska Soomaaliya waxa uu Darawal mooto bajaajle ahaa ku diley Isgoyska Tarabuunka ee degmada Hodan halka qof kale uu dhaawacay,waxaana la sheegay in askarigaas gacanta lagu dhigay.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya Zakiya Xuseen Axmed ayaa sheegtay in askarigaas dilka iyo dhaawaca geystay ay Ciidamada Booliska Soomaaliyeed Gacanta ku dhigeen.

“Wargelin; Ciidanka Booliska ayaa soo xiray askari boolis ah oo maanta darawal mooto Bajaaj ku dilay qof kalena ku dhaawacay Tarabuunka, waxaana la marsiinaa sharciga. Marnaba ogaal meyno in askarteena dhib u geystaan shacabka ayay tiri Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ciidamada Dowladda  Soomaaliya ayaa caadeystay dilalka darawalada Mooto Bajaajta,waxaana weli jirin askari maxkamad loo soo taagay in uu ka dambeeyey dilalkaas oo weli ka socda Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Find a Job.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!