Booliska oo baadi-goobaya Rag lala xiriirinayo Qarax k dhacay Magaalada Baardheere
Baardheere (Mareeg)—Saraakiisha Maamulka Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ayaa shaaca ka qaaday in ay wadaan howlgallo baaritaano ah oo lagu baadi goobayo Kooxihii ka dambeeyay Qarax khasaaro geystay oo Shalay ka dhacay Degmadaasi.
Taliye ku xigeenka qeybta Booliska ee Degmada Baardheere, Salaad Cabdulle oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in dabagal ay ku hayaan Kooxihii Qaraxaasi ka dambeeyay.
Waxuu sheegay in Ciidamada Booliska ay wadaan howlgallo kala duwan, islamarkaana ay soo qaban doonaan Raggaasi.
Howlgalladan ayaa daba socda Qarax miino oo khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac geystay oo Shalay ka dhacay Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo.
Comments are closed.