Booliska Nairobi Oo Nin Soomaali Ah U Raadinaya Qaraxii Baska Ee Xaafadda Islii

Read Time:57 Second

Nairobi, Mareeg.com: Booliska magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya oo baaraya qarax habeen hore dad ku laayey bas marayey xaafadda Islii ayaa baaahiyey muuqaalada nin Soomaali oo loo heysto inuu qaraxaas ka dambeeyey.

Taliyaha ciidamada booliska dalka Kenya David Kimaiyo ayaa ku sheegay magaca ninka Soomaaliga ah ee ay raadinayaan Xusseen Nuur Maxamed, wuxuuna tilmaamay inuu ku lug lahaa qarxinta baska oo la sheegay inuu ka dhashay bumbo lagu dhex qariyay gaari Matatu ah.

Taliyaha ciidanka booliska Kenya David Kimaiyo oo warbaahinta u soo bandhigay sawirka Xusseen Nuur ayaa ku tilmaamay in uu yahay shakhsi loo baahanyahay inuu sharciga horyimaado si su’aalo loo waydiiyo.

Kamaiyo ayaa ka codsaday shacabka inay booliska gacan ka siiyaan sidii loo soo qaban lahaa wiilkan oo da’diisa lagu sheegay 21 sano.

Waxaa uu sheegay in wiilkan eedaysanaha ah horay loogu eedeeyay falal argagixiso balse markii dambe damaanad lagu sii daayay isagoo sheegay in loo jaray waaran lagu soo xirayo goor sii horraysay maadaama uu imaan waayay maxkamadii dhagaysanaysay dacwadiisa.

Dhimashada weerarka baska oo kor u kacday ayaa gaartay 6 qof, halka dhaawacuna uu labaatan gaarayo iyadoo dadka waxyeelladu gaartay ay u badanyihiin Soomaali.

Mareeg.com

About Post Author

A warsame

Published by senior editor and managing Director of Mareeg Media Mr A Warsame Whatup :+447737886245
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %