Booliska Muqdisho oo qaaday howlgal ka dhan ah mootooyinka * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Booliska Muqdisho oo qaaday howlgal ka dhan ah mootooyinka

Muqdisho – Mareeg.com: Booliska gobolka Banaadir ayaa wada howlgallo ka dhan ah Mootooyinka 3-da lug leh oo loo adeegsado Taksi ahaanta iyo mootooyinka kale ee 2-da lug leh, iyadoo arrintaas sabab looga dhigay arrimo amaan.

Afhayeenka booliska gobolka Banaadir Jen. Madaale ayaa warbaahinta u sheegay iney gacanta ku hayaan ilaa 155 mooto oo isugu jira kuwa 3-da lug leh iyo kuwa 2-da lgu leh.

Jen. Madaale ayaa sheegay in mootooyinkaas aysan laheyn sumad, darawalada wadana badankood aysan heysan ruqsadda darawalnimo, taasina keentay in shaqada laga joojiyo oo boolisku ku uruuriyaan xarrumo gaar ah.

Wuxuu sheegay Jen. Madaale in qaar badan oo ka mid ah mootooyinkaas ay ku lug leeyihiin arrimo amaan xumo oo ay wadaan sida uu yiri kooxo nabad diid ah.

Dhanka kale, taliyaha ciidamada nabadgelyada wadooyinka, Cali Gaab ayaa sheegay in mootooyinka 3-da lu leh ee sharciga leh aysan marin Karin jidka Maka Almukarrama wixii hadda ka dambeeya.

Wuxuu sheegay in mootooyinkaas ay halis ku yihiin amaanka waddooyinka, maadaama sida uu yiri ay la tartamayaan gaadiidka waaweyn.

Mootooyinka 3-da lug leh ayaa sanadkii lasoo dhaafay si xowli leh kusoo galay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, waxaana  dhallinyaro badan ku raadsadaan molol maalmeedkooda.

Qaar badan oo ka mid ah mootooyinka ka shaqeeya Muqdisho ayaa waxaa leh shirkado gaar ah oo ganacsi, waxaana ku qoran magacyo, sidoo kale waxey leeyihiin taargooyin.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!