Booliska Kenya oo xalay fiidkii ku dilay labo soomali burcad ah xaafada Islii ee magaalada Nairobi * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Booliska Kenya oo xalay fiidkii ku dilay labo soomali burcad ah xaafada Islii ee magaalada Nairobi

Ciidamada Booliska Kenya ayaa xalay fiidkii ku dilay xaafada Islii ee magaalada Nairobi labo dhalinyaro Soomaaliya, kuwaasoo lagu eedeeyay inay burcad ahaayeen.

Labada dhalinyaradan ayaa la sheegay inay ka mid ahaayeen koox burcad ah oo lagu magacaabo Super Power, kuwaasoo dhibaato ku hayay dadka ku nool Xaafada Islii.

Booliska ayaa soo bandhigay hub ay wateen labada dhalinyar, waxaana ay sheegeen in labada dhalinyaro ay ka tirsanaayeen koox isugu jirta Kenyan iyo Somali oo dhac ka geysan jiray Xaafada Islii.

Sarkaal ka tirsan Ciidamada Booliska ayaa sheegay in raggan ay muddo bilooyin ku raad-joogeen sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa.

Soomaalida ku nool Xaafada Islii ayaa horay ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed inay ka tanaasulaan falalka burcadnimo ee ay ku lug leeyihiin..

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!