Booliska Kenya Oo Boqolaal Soomaaliya Ka Qabtay Xaafadda Islii Ee Nairobi

Read Time:1 Minute, 2 Second

Nairobi, November 9, 2013: Booliska Kenya ayaa xaafadda Soomaalidu ku badan tahay ee Eastleigh (Islii) magaalada Nairrobi ka qabqabtay ilaa 300 Soomaali ah oo loo heysto iney dalka ku joogaan sharci darro.

Booliiska ayaa sheegay in dadkan intooda badan aysan heysan wax sharci ah, gabaadna ka dhigteen Islii oo ay ku badan yihiin Soomaalida degan Nairobi.

Dadka oo lagu qabqabtay howlgal xalay bilwoday ayaa maanta booliisku ay su’aallo ku weydiinayaan saldhigyo kala duwan, iyadoo howlgalka qabqabashada uu qeyb ka yahay dadaal ballaaran oo looga hortagayo weeraro mar kale Alshabaab ka geystaan Kenya.

Madaxa booliiska ee magaalada Nairobi, Benson Kibue ayaa sheegay in maxkamad la soo taagi doono kuwa la qabtay iyagoo aan heysan wax aqoonsi ah.

Benson ayaa intaas raaciyay in kooxaha uu ku tilmaamay argagixisada badanaa ay ku dhuuntaan xaafadda Eastleigh (Islii) taaso uu sheegay in ay tahay sababta ay u bartilmaameedsanayaan.

Qaar ka mid ah saraakiisha booliska Kenaya ayaa rumeysan in kooxdii Alshabaab ee 21-kii bishii September weerarka ku qaaday xarrunta ganacasiga Westaget ay deganaayeen xaafadda Eastleigh ee Soomaalidu ku badan tahay.

Ma aha markii ugu horreysay ee boolsika Kenya qabqabtaan Soomaalida ku nool Nairobi, hase ahaatee arrimahaan ayaa soo laalaabta, iyadoo inta badan dib laga soo daayo dadka la xirxiro.

Mareeg.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %