Booliska Kenay oo sheegay in Xasan Xanafi qirtay magiciisa saxda ah * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Booliska Kenay oo sheegay in Xasan Xanafi qirtay magiciisa saxda ah

Mareeg.com: Nin Soomaali ah oo ay dhawaan ciidamada Amaanka Kenya ku qabteen xaafada Islii ayaa la sheegay inuu qirtay in uu yahay Xasan Xanafi kaasoo oo ay doon dooneyso dowlada Soomaaliya kadib markii lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay dilka wariyayaal Soomaaliyeed, sidaana waxaa maanta sheegay sarkaal ka tirsan ciidanka boliiska ee dalka Kenya.

Ninkaas oo xaafadda Islii lagu qabtay horaantii bishan August ee sanadkan ayaa su’aalo la weydiiyay kadib wuxuu qirtay in uu yahay Xasan Xanafi isagoo markii hore isku sheegay in uu magaciisu yahay Yuusuf Xasan Abdisalaan.

Saraakiil ka tirsan boliiska oo codsaday in aan la magacaabin ayaa wakaaladda AP u sheegay in saraakiisha dowlada Kenya ay qorsheynayaan sidii ay ugu gudbin lahaayeen Xasan Xanafi dowlada Soomaaliya oo hore u codsatay in lagu maxkamadeeyo guddaha Soomaaliya.

Xasan Xanafi ayaa heystay waraaqo sheegaya in uu yahay Kenyan inkastoo markii dambe uu qirtay in warqahaasi ay ahaayeen kuwo been abuur ah. Xanafi ayaa gaaray dalka Kenya 14-kii bishii Maarso ee sanadkan si looga daweeyo dhaawacyo hore u gaaray.

Wuxuu yahay Xasan Xanafi xubin sare oo ka tirsan Al-Shabaab waxaana loo heystaa dilalka wariyayaal Soomaaliyeed iyo muwaadiniin kale, sida ay sheegtay maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!