Booliska Iyo Nabadsugida Soomaaliya Oo Xamarweyne Ku Qabtay Walxaha Qarxa

Muqdisho – Mareeg.com: Booliska iyo nabadsugidda Soomaaliya ayaa magaalada Muqdisho ku soo bandhigay agabka laga sameeyo walxaha qarxa ee macmalka ah oo ay ku soo qabteen howlgal ay ka sameeyeen degmada Xamarweyne.

Nabadsugida soomaaliya ayaa helay Aaladaha laga sameeyo walxaha qarxa oo ay ku jirto baaruuda dheemiska ah, sida uu sheegay afhayeenka booliska dalka Maxamed Yuusuf Maddaale.

Madaale ayaa saxaafadda u sheegay in aysan jirin cid lala soo qabtay agabka, balse ay ku raad-joogaan dad looga shakisan yahay inay amni-darrada ku lug-leeyihiin.

Afhayeenka ayaa shacabka ugu baaqay inay degganaansho muujiyaan, isla markaana ay booliska kala shaqeeyaan sugidda amniga, waxayna arrintan imaaneysaa iyadoo laba habeen oo toddobaadkan ah duqeymo laga geystay magaalada Muqdisho.

Agabka laga sameeyo waxyaabaha qarxa ee ay booliska soo bandhigeen ayaa la sheegay inay qeyb ka ahaayeen qalab loo adeegsaday duqeynta Muqdisho ka dhacday.

Ra’isal wasaaraha Soomaaliya ayaa hay’adaha nabadsugida dalka ka dalbaday in ay ka jawaabaan weeraro ka dhacay Muqdisho habeenadii Isniinta iyo salaasadii.

Mareeg.com

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245