Booliska Galmudug oo soo saarey War ka dhan ah Al-Shabaab

Read Time:56 Second

Taliska Booliska Galmudug ayaa sheegay in ay wax weyn ka qabteeen sugidda amniga horumaro balaaranna ay ka sameyeen hay’adaha u xil-saaran sidii loo sugi lahaa amaanka guud.

Gaashaanle dhexe,  Maxamuud Cilmi Gulaafe , oo ka tirsan Taliska qeybta Gobolka Mudug oo la hadlay Warbahinta Dowladda ayaa intaa raaciyay in ay si aad ah uga feejigan yihiin qatarta ka iman karta Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa sheegay in ay Boliisku soo qaban doonaan cid kasta oo dil ka geysata Gobolka Mudug iyo guud ahaanba Dalka Soomaaliya, haatan ka horna ay ku guuleysteen in ay Gacanta kusoo dhigaan dambiilayaal baxsad ahaa.

“Dawladda Soomaaliya aad ayay saameyn ugu leedahay sugidda nabad gelyada degannada Galmudug  oo dhan, waxaan dareemayna in Dawladdu Shacabka ay u tahay Geed ay harsadaan marka la eego waxyaabaha ay ka caawisay maamulka iyo Shacabka Gobolka Mudug”, ayuu yiri Taliyuhu.

Gaashaanle dhexe,  Maxamuud Cilmi Gulaafe, oo ka tirsan Taliska qeybta Gobolka Mudug ayaa sheegay in ay maamullada Galmudug iyo Puntland leeyihiin wada shaqeyn xagga sugidda amniga ah, isagoo tallaabadanna ku tilmaamay horumar laga gaaray arrimaha nabad gelyada iyo in meel looga soo wada jeesto la dagaallanka Al-Shabaab.

About Post Author

Ardaan Yare

Tifatirah wararka ku soo baxa afka soomaaliga
Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.