Booliska Faransiiska oo baahiyey sawirada rag looga shakisam yahay xasuuqii Charlie Hebdo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Booliska Faransiiska oo baahiyey sawirada rag looga shakisam yahay xasuuqii Charlie Hebdo

Paris: Booliska Faransiiska ayaa soo bandhigay sawirada laba kamid ah saddex nin, oo looga shakisan yahay in ay fuliyeen weerarkii shalay lala beegsaday majalada sawir gacmeedka ee Charlie Hebdo.

Labada nin ayaa ah walaalo lagu kala magacaabo Said Kouachi iyo Cherif Kouachi.

Wargeyska shalay la weeraray ayaa horay u daabacay sawirro lagu caayey Nabi Muxamed Nabadgelyo iyo naxariis korkiisa ah.

Qofka saddexaad oo lagu sheegay wiil 18 jir ah, laguna magacaabo Hamyd Mourad, ayaa lagu soo warramayaa in uu booliska isu dhiibay, kaddib markii uu sawirkiisa ku arkay baraha bulshada.

Qaar ka mid ah asxaabtiisa ayaa sheegay in Hamyd uusan weerarka fulin, xilliga uu dhacayanya uu ku sugnaa iskuulkiisa.

Booliska ayaa baaritaanno xooggan ka wada xaafadaha caasimada Paris iyo magaalada Reims.

Weerarkii shalay lala beegsaday majalada sawir gacmeedka Charlie Hebdo, ayna ku dhinteen 12 qof, ayaa ahaa kii ugu xumaa ee soo mara Faransiiska kontankii sano ee lasoo dhaafay.

Waxaa jirto cabsi ah in ay dhacaan weerarro aargoosi ah oo lala beegsano Muslimiinta ku nool dalkaasi.

Madaxweynaha Faransiiska, François Hollande, ayaa shacabkiisa ugu baaqay in ay joogteeyaan midnimada.

Dhanka kale, kumannaan qof oo taageero u muujinaya shaqaalihii lagu laayay Charlie Hebdo, ayaa xalay oo dhan ku sugnaa fagaaraha ugu weyn Paris ee Place de la Republique.

Ururada jihaad doonka ah ayaa marar badan ugu baaqay taageerayaashooda in ay weerarraan Faransiiska, waxaana dowladda dalkaasi ay cabsi badan ka qabtaan tiro muwaadiniinteeda ah oo ururadaasi uga dagaallamaya Suuriya.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!