Booliska Dowladda oo Dignin Culusu diray taageerayaasha Banaadir iyo Galmudug * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Booliska Dowladda oo Dignin Culusu diray taageerayaasha Banaadir iyo Galmudug

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa farriin amniga la xiriirta u diray taageerayaasha xulalka Galmudug iyo gobolka Banaadir ee Maanta  ka qayb galaya daawashada cayaarta kama dambaysta ah ee koobka dawlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir.

Waxa uu dhalinyarada daawashada cayaarta uga imaanaya daafaha iyo degmooyinka Muqdisho faray inay ilaaliyaan nidaamka loo dajiyey sugista amniga lana shaqeeyaan ciidamada Booliska ee u hawlgalaya in si nabadgalyo ah cayaartu ku dhacdo.

Taliye Xijaar ayaa ka codsaday daawadayaasha garoonka tagaya inay ilaaliyaan xasiloonida, cid walbana looga dambeeyo hawsha ay mas’uulka ka tahay sida xiriirka kubadda cagta iyo laamaha ammaanka.

Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/gaas Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) ayaa sidoo kale xusay in koobkan oo bilowday 20-kii bishan uu sare u qaaday isdhexgalka bulshada Soomaaliyeed, uuna muujiyey xirfadda cayaartoy badan oo loo qaadan karo heer Qaran.

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More