Booliska Boosaaso oo soo bandhigay 12 qof oo loo heysto Shabaabnimo * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Booliska Boosaaso oo soo bandhigay 12 qof oo loo heysto Shabaabnimo

Boosaaso – Mareeg.com: Booliska magaalada Boosaasoo ee xarrunta gobolka Bari ayaa manta soo bandhigay 12 qof oo ay ku eedeeyeen iney ka tirsan yihiin xarakada Alshabaab.

Dadka lasoo bandhigay waxaa ku jiray 3 dumar, halka 9-ka kale yihiin rag mid ka mid ah uu qabo dhaawac gacanta ah.

Taliyaha booliska gobolka Bari C/raxmaan Cali Cabbaas (Muslim), ayaa sheegay in xalay magaalada laga maqlay qarax, qaraxaas oo aan khasaare geysan, wuxuuna sheegay in uu ka dhacay goob sida uu tilmaamay lagu farsameynayey.

Taliyaha ayaa sheegay in durbadiiba ay goobta gaareen halka uu qaraxu ka dhacay, islamarkaana ay gacanta ku soo dhigeen 12 qof oo qaarkood ay dhaawacyo fudud qabaan. Taliyaha ayaa sheegay iney sameynayaan baaritaan ay ku ogaanayaan shaqadii uu hayey qof kasta ee ka mid ah 12-kaan qof.

“Qaraxa waxa uu ahaa qarax la doonayey in la rakibo oo mobile lagu rakibo, intaa kadibna waxa ay rabeen in ay meel geeyaan balse iyaga ayuu ku qarxay, waxana ciidanka u suurta gashay in ay gacanta ku soo dhigeen shaqsiyaadkii ku howlanaa arinkan” ayuu yiri taliye Muslim.

Mid kamid ah dadka la soo bandhigey oo saxaafadda la hadley ayaa sheegay in dhawaan Alshabaab ku biiray, islamarkaana uu shaqada iyaga u hayey.

Goobta dadkaan la eedeeyey lagu soo bandhigay waxaa goob joog ka ahaa gudoomiyaha gobalka Bari C/samada Maxamad Gallan iyo duqa degmada Bosaso Xasan Cabdlla xasan.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More