Booliska Boondheere oo qabtay nin lagu eedeeyey Shabaabnimo

Mareeg.com: Gudoomiyaha degmada Boondheere, Qaasim C/laahi Xasan oo ka hadlayey munaasabad ka dhacday degmadaas ayaa sheegay in ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen sargaal ka tirsan sirdooka Al-shabaab oo doonayey in uu falal amaandaro ka fuliyo magaalada Muqdisho.

Qaasim C/laahi Xasan ayaa sheegay in shacabka degmada ay ku soo wargaliyeen sargaalka ka tirsan Al-shabaab sidaana ciidamada amaanka ay ku soo qabteen.

“Shacabka degmada ayaa nagu soo wargeliyey nin ka tirsan Alshabaab, kaasoo ka yimid xaafado kale, una yimid Boondheere arrimo sirdoon iyo falal amaan darro, waana soo qabanay, waxaana la horgeynayaa cadaaladda” ayuu yiri gudoomiyaha degmada Boondheere, Qaasim Cabdulle Xasan.

Gudoomiyaha Degmada Boondheere ayaan sheegin Magaca Shaqsiga ka tirsan Al-shabaab ee Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245