Booliska Australia oo toogtay yaxaas liqay dalxiise

Mareeg.com: Warbaahinta dalka Australia ayaa baahisay in boolisku heleen Yaxaas weyn oo sii liqaya dalxiise u dhashay dalkaas, kaasoo ku sugnaa maxmiyadda dalkaasi maamulo oo lagu magacaabo “Ketoh”.

Booliska Australia ayaa sheegay in dalxiisahan uu geeriyooday kadib markii uu qabsaday yaxaas weyn oo dhirirkiisu gaarayo ilaa 5 Mitir.

Dalxiisahan ayaa yaxaasku dafay isagoo watay doon yar oo ah nuuca dalxiisayaashu adeegsadaan.

Yaxaaska liqay ninkaan dalxiisaha ah ayaa rasaas lagu dilay, kadib markii boolisku heleen isagoo sii liqaya ninka Australian-ka ahaa oo da’diisa lagu sheegay 62 jir.

Dalxiisahan ayaa la waayey 7-dii bishaan June, xilli uu dalxiis u joogay maxmiyadda “Ketoh” ee hoos timaadda dalka Australia.

Dalxiisahan yaxaasku ruugay ayaa waxaa la socday oo shilkaas ka badbaaday xaasikiisa, wilkiisa iyo xaas uu qabay wiilkiisa, kuwaasoo doonta la saarnaa.

Booliska ayaa baaraya sida shilku ku dhacay, waxaana la sheegayaa ineysan aheyn markii ugu horreysay ee weerar nucaas ah uu yaxaas ka geysto “Ketoh”.

Horay ayaa yaxaas “Ketoh” ugu weeraray wiil yar oo 12 jir ah, wuxuuna gaarsiiyey dhaawac halis ah.

http://arabic.rt.com/news/712613/ :روسيا اليوم

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245