Boolis Sacuudiyaan oo lagu dhaawacay Riyaadh * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Boolis Sacuudiyaan oo lagu dhaawacay Riyaadh

Mareeg.com: Afhayeen u hadlay booliska dalka Sacuudi Carabiya ayaa sheegay in 2 boolis ah la dhaawacay kadib markii rag gaari watay oo aan la garan ay rasaas ku fureen ciidan roondo ku jiray gudaha magaalada caasimadda ah ee Riyaadh.

Wakaaladda wararka Sacuudiga ayaa kasoo xigatay Afhayeenka in xaaladda caafimaad ee labada booliska tahay mid degan, lana baarayo qaabkii weerarkaasi ku ndhacay.

Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa hogaamineysa weerar milateri oo xagga cirka ah, kaasoo ka dhan ah kooxda Shiicada ah ee loo yaqaano Xuuthiyiinta ee dalka Yemen.

Sidoo kale, Sacuudiga ayaa qeyb ka ah isbaheysiga Mareykanku hogaaminayo ee weerarada xagga cirka ah dhowr bilood ku haya Kooxda Khalaafada Islaamiga ah ee Suuriya iyo Ciraaq.

Sacuudiga ayaa horay weeraro ugala kulmay kooxo mucaarid Shiico ah oo ku sugan bariga dalka, hase ahaatee waxaa aad u yareyd in ciidamada amaanka lagu weeraro magaalada caasimadda ah ee Riyaadh.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!