
Baledweyne, Mareeg.com: Ciidamo boolis ah oo muddo 2 bilood ah tababar ku qaadanayey magaalada Muqdisho ayaa loo qaaday magaalada Baledweyne, si ay ugu biiraan booliska ka sahqeeya magaaladaas.
Taliyaha saldhigga booliiska magaalada Beledweyne Cali Cabdi Mahad oo safarka ku wehliyay ciidamada ayaa sheegay in ciidamada tababarka qaatay ay gaarayaan Ilaa 60 askari oo boolis ah.
Cali Cabdi Mahad in ciidamadaani soo qaateen tabar la xiriira sida looga hortago dambiyada iyo sharciyada booliska, waxaana ciidamadan booliska ah ka mid ah dhowr dumar ah.
Wuxuu sheegay inay la socdaan saraakiil isugu jira tababareyaal iyo khubarro u kuur-galayay dib-u-habayn lagu sameeyo saldhigga booliiska oo uu dayac ka muuqdo, islamarkaana maalmo ka hor Alshabaab weerar is qarxin iyo toos ah ku qaadeen, dad bandanna ku dileen.
Taliyaha booliska Soomaaliya oo dhawaan booqday Baledweyne kadib weerarkii Alshabaab ku qaadeen saldhiga booliska ayaa ballan qaaday in bools dheeraad ah oo heysta qalab la geyn doono magaalada Baledweyne.
Mareeg.com