Mareeg Media
Somalia

Booliiska Soomaaliland oo rasaaseeyay dad dibax ka dhigayay Burco

Burco ( mareeg news ) Boqolaal dad ah ayaa isugu  soo baxay magaalada Burco ee gobolka Togdheer ee Soomaaliland kuwaas oo ka careysan xukunkii shalay maxkamada gobolka Maroodi jeex ay ku riday Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur-madow oo ka mid ahaa Madax dhaqameedyada Somaliland.



Maxkamada ayaa boqor Buur-madow ku riday shan sano oo xabsi ah kadib markii loo fadhiistay dhageysiga dacwada lagu soo eedeeyay.

Dadka dibaxa dhigayay ayaa dalbanayay in xabsiga laga saaro Boqor Buur-madow oo horay ciidamada Booliiska Soomaaliland ay ku eedeeyeen, in uu jeediyay hadal dhaawaca madax banaanida Soomaaliland.



Ciidamada Booliiska Soomaaliland ee magaalada Burco ayaa rasaas ku furay dadkii dibaxa dhigayay, waxaana dadka deegaanka Idaacada Kulmiye u  sheegeen in xoog lagu kala eryay dadkii isku soo baxay.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!