Boko Haram oo ku biirtay Dowladda Islaamiga ah (ISIS) * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Boko Haram oo ku biirtay Dowladda Islaamiga ah (ISIS)

Mareeg.com: Jabhadda Boko Haram ee ka dagaalanta dalka Nigeria iyo dalal deris ah ayaa ku biirtay Dowladda Islaamiga ah ee uu hogaamiyo Abubkar Al-baqdadi, ee ku xoogan Ciraaq iyo Suuriya.

Cod soo uu soo diray hogaamiyaha Boko Haram, Abubakar Shekau oo lasoo dhigay barta Twitter-ka shalay oo sabti aheyd ayuu beyco kula galay Amiirka ISIS, Abubakar Albaqdadi.

“Waxaan ku dhawaaqeynaa inaan beyco la galnay Khaliifaha (Abubakar Albaqdadi), waxaana ku adeeci doonaa waqtiga dhibka iyo waqtiga xaaladdu fududahay” ayuu yiri Abubakar Shekau.

Beycada Boko Haram la gashay ISIS ayaa timid kadib markii bilihii lasoo dhaafay dhowr jabhadooda iyo ururo ka jira dalalka Afrika iyo Aasiya ay ku bireen dowladda Islaamiga ah.

Bishii November ee sanadkii hore, Albqadadi ayaa aqbalay beycada Jabhaddii Ansaar Beytal Maqdas ee dalka Masar, taasoo magaceeda u badeshay “Wilyaada Siinaa”.

Sidoo kale, waxaa Albaqdadi beyco la kalay kooxo Islaamiyiin ah oo ku kala sugan Libiya, Yemen, Sacuudiga, Aljeeriya, Afgaanistaan iyo Paaksitaan.

Boko Haram oo la aasaasay sanadkii 2002, balse howlgashay sanadkii 2009 ayaa markii hore ku bilaabatay iney ka hortimaado waxbrashada Reer Galbeedka, iyadoo magaca Boko Haram oo kasoo jeeda Afka Howsaha uu macnihiisu yahay “Waxbarashada Reer Galbeedku Waa Xaaraam”.

Boko Haram oo weeraradeeda u gudbisay dalalka deriska la ah Nigeria, sida Niger, Cameroon, iyo Chad ayaa dishay kumanaan dad ah, waxeyna gubtay tuulooyin farabadan oo dadkii deganaana ay barakicisay.

Sabtidii shalay, 5 qarax oo ay ka geysteen magaalada Maiduguri ee dalka Nigeria waxey ku dileen ilaa 50 ruux oo rayid ah, kuwaasoo ku sugnaa suuq laga dukaameysto.

Mareeg Media

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!