Blatter oo markii 5-aad loo doortay madaxweynaha FIFA * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Blatter oo markii 5-aad loo doortay madaxweynaha FIFA

Madaxweynaha FIFA Sepp Blatter ayaa markii 5aad dib loo doortay, doorasho shalay ka dhacday magaalada Zurich, ee dalka Switzerland..

209 xubnood oo ka tirsan xiriirka FIFA ayaa codadkooda dhiibtay

Toddobo ka tirsan saraakiisha FIFA ayaa la xiray Arbacadii kadib markii lagu eedeeyay inay lacago musuqmaasuq ah ka qaateen dalal marti-galiyay koobka kubbada cagta caalamka.

Sepp Blatter waxaa doorashadan kula tartamayay  Amiir Cali bin al Xuseen oo ah dhaxal-sugaha boqortooyada Urdun.

Blatter wuxuu wareeegga koowaad ee doorashada helay 133 cod, laakiin ma uusan helin codadkii u baahnaa wareegga 1-aad oo aheyd inuu helo 140 cod, wareegga koowaad, laakiin musharaxii la tartamayay ee Amiir Cali bin al Xuseen ayaa tanaasulay intaan la gaarin wareegga labaad.

Seppt Blatter wuxuu shirweynaha 65aad ee FIFA ka sheegay inuu kor u qaadi doona FIFA kana saari doono marxaladdan halista ah ee ay imimka ku jirto.

Inta badan xiriirrada qaaradda Yurub ayaa kasoo horjeeday Platter, laakiin xirrirada kale ayuu taageero ka helay.

Madaxweynaha Ruushka Putin ayaa taageero wanaagsan u muujiyay madaxweynaha FIFA Sepp Plater, balse Mareykanka ayaa si xooggan ugu soo horjeeday in markale la doorto Platter

 

 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!