Hargeysa, Mareeg.com: Magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland waxaa saaka ka taagan biyo yari ballaaran kadib markii shalay ay shaqo joojin sameeyeen boqolaal booyadah biyaha dhaamiya ah oo ka cabanaya canshuur uu kusoo rogay maamulka Somaliland.
Waxaa saaka dhacay mudaharaad balaarn oo biyo tiray xaafadaha Hargeysa oo ay ku dhaqaaqeen Iskaashatada Booyadaha Hargeysa, kuwaas oo dhawr boqol oo booyadood oo Hargeysa u dhaamin jiray ku ururiyey barxado ku yaala Hotelka Crown iyo Shiraaqle ee Barriga iyo Galbeedka Hargeysa.
Booyadlayaasha ayaa ka cabayanay cashuuro ay ku soo rogeen Dawladda Dhexe iyo ta Hoose ee Somaliland, waxaanay sheegeen in ay wadayaan mudaharaadka illaa xukuumaddu ka noqonayso canshuurta lagu badiyey.
C/laahi Caydiid Xayd oo ah Af-hayeenka Booyadlayaasha oo u waramayey warbaahinta ayaa ayaa sheegay sababta ay u mudaharaadayaan waxaanu yiri “Waxa saaka nagu kalifay in aanu mudaharaadkan nabadeed samayno dhibaato nagala soo daristay cashuuraha ay xukuumaddu na saartay kuwas oo ah kuwo aanaan qaadi karayn, markaa waxay nala noqotay in aanu booyadahayaga iska dhigano oo dhibta aanu ku qabno ay nala dareemaan Dawladda iyo dadweynuhuba”.
Af-hayeenka oo la weydiiyey intii aanay mudaharaadin ka hor in ay xirir la sameeyeen Xukuumadda si wax looga qabto cabashadooda ayaa yiri “Wasaaradda Maaliyadda iyo Arrimaha gudahaba waanu u tagnay, waxay noogu jawaabeen Baarlamaan baa Ansixiyey, markaa iska bixiya Cashuurta, dee anana waxaanu xal moodnay in aanu iska dhigano baabuurtayada maadaama aanaan awoodi karayn”.
Mar la weydiiyey booyadlayda tiradooda iyo inta ay wadayaan mudaharaadka waxa uu yiri “Halkan laba boqol iyo dheeraad baa jooga, dhinaca Barri ee Shiraaqlana intaas in leeg, mudaharaadka isaga waanu wadaynaa illaa inta ay xukuumaddu ka noqonaysao cashuuraha ay na saartay”.
70% magaaladda Hargeysa waxa u dhaamiya Booyadaha, waxaana saaka laga dareemayaa biyo la’aan kadib markii ay Booyadahani shalay shaqada jooijiyeen iyagoo isla markaana maaanta mudaharaad balaaran ku soo bandhigay cabashadooda.
Sido kale, waxaa cabashadan kusoo biiray qaar ka mid ah Iskaragooyinka Ciida iyo Dhagaxa gura, kuwaas oo qaba isla cabashada Cashuuraha la kordhiyey, kuwaas oo ay ku tilmaameen in aanay qaadi Karin.
Shaqo joojinta Booyadlayaasha ayaa saamayn kale ku yeelanaysa dhismayaasha ka socda Hargeysa iyo xaafadihii ay u dhaamin jireen kuwaas oo ay shaqadoodu iyo helitaanka biyahooduba ku xiran tahay Booyadlayaasha iyo Iska ragooyinka.
Xigasho: Ramaas