Biyaha Bada Soomaliya:go’aanka Maxkamadda Cadaaladda Caalamiga ee Hague. * Mareeg.com somalia, World News and Opinion.
Mareeg Media
Somalia

Biyaha Bada Soomaliya:go’aanka Maxkamadda Cadaaladda Caalamiga ee Hague.

Maalmihii ugu dambeeyay , warar ay warbaahintu faafisay oo tilmaamayay in Kenya iyo Somalia ay ku heshiiyeen in ay kala gar-qaataan ,iyadoo aan la marin Maxkamadda sare ee Qaramada Midoobey ,taasi oo macnaheedu yahay in labada dal ay ku kala baxaan Maxkamad la’aan.

Soomaaliya waxa ay cadeyneysaa , inay weli ku adkeysaneyso , ayna ka go’antahay kiiska Sharciga iyo dacwada ee Maxkamadda Cadaaladda Caalamiga ee Hague, iyadoo la raacayo heshiiska Qaramada Midoobey ee Qaanuunka badaha (UNCLOS).

Maalgelinta caalamiga , barwaaqada iyo kobaca dhaqaale ee Soomaaliya iyo dalalka deriska ah waxa uu ku imaan karaa iyadoo la xaliyo arrinkan , waxaanan u taagannahay ,kuna adkeysaneynaa kiiska sharciga ah ee aan hore u gudbinay.

Soomaaliya waxa ay rumeysan tahay wadahadal cad iyo iskaashiga ay la leedahay wadamada deriska ah, waxaana weli furan soojeedinnada iyo hindisiyaasha si loo gaaro xal dhameystiran oo lagu qanacsan yahay 

Get real time updates directly on you device, subscribe now.

Comments are closed.

This website uses cookies to improve your experience. We'll assume you're ok with this, but you can opt-out if you wish. Accept Read More

Do NOT follow this link or you will be banned from the site!