Biriq dad ku dishay deegaan ka tirsan Balcad

Mareeg.com: Iyadoo maanta ay roobab lagu qabowsaday ka da’een Muqdisho, qeybo ka mid ah gobollada Shabeellaha Dhexe, Shabeellaha Hoose, Hiiraan, iyo Baay ayaa wararka ka imaanata degmada Balcad sheegayaan in biriq ay ku dhacday deegaanka Hareeri Caadle ay ku dishay labo ruux laba kalana ay ku dhaawacmeen.

Labada ruux ee ay biriqdu ku dishay deegaanka Hareeri Caadle ayaa la sheegay in ay ahaayeen wiilal da’adoodu ka yartahay toban sano halka labada kalana ay ahaayeen gabdho.

Dhammaan dadka wax ku noqday biriqdan ayaa waxa ay ka soo jeedaan hal qoys waxaana biriqdu ay ku dhacday guri ay degenaayeen qoyskan.

Maamulka degmada Balcad ayaa u gurmaday qoyskan iyadoo la sheegay in labada gabdhood ee waxyeeladu ka soo gaartay biriqdan loola cararay isbitaal ku yaal magaalada Muqdisho.

Dhanka kale, labo caruur ah oo kasoo jeeda dadka barakacayaasha ah ayaa daad ku qaaday degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Mareeg Media

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245