Beyle “Caalamku wuu la dhacsanyahey Soomaaliya ″

Read Time:52 Second

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Dhiirigelinta Maalgashiga Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle oo shalay dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho ayaa faah faahin ka bixin socdaalo shaqo iyo shirar uu kaga qeyb galay xarunta Qaramada Midoobey ee New York.

Mr Beyle ayaa sheegay in sanadka 2016 la rajeynayo in Soomaaliya ay sare uga sii muuqato maqaamka hadda ay joogto , isagoo sheegay in loo howlgeli doono sanadkaasi dib u dhiska iyo horumarinta dalka .

Wasiirka Arrimaha Dibada ayaa sheegay inuu rumeysan yahay , ayna u muuqato yididiilo iyo ifafaalo wanaagsan oo u bidhaamaya Soomaaliya , isagoo ugu baaqay dhammaan Soomaalida inay gacmaha is qabsadaan , si loo xoojiyo midnimada iyo wadajirka ummadda .

Waxaa uu tilmaamay in Xarunta Qaramada Midoobey ee New York uu kaga qeybgalay shirar gaar gaar ah oo kala duwan oo mid ka mid ah looga hadlay abaaraha iyo xaaladaha bani’aadanimo ee weli ka taagan qeybo ka mid ah dalka , balanqaadyo ay sameeyeen dowlado iyo hey’ado iyo kulamo kala gaar gaar ah oo uu la yeeshay Wasiirada Arrimaha Dibadda Wadamada Italy , Netherlands , Burundi iyo kuwa kale .

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %
Instagram did not return a 200.