Beyle oo la kulmay dhigiisa Shiinaha

Beijing – Mareeg.com: Wasiirka Arrimaha dibedda ee Soomaaliya, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo ku sugan dalka Shiinaha ayaa la kulmay dhigiisa dalkaas Wang Yi.

Lababada wasiir arrimo debadeed ayaa kulankooda kaga wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka labada dal iyo sidii ay dowladda Shiinuhu uga qeyb qaadan lahayd dib u dhiska dalka Soomaaliya, gaar ahaan xarumihii ay dhistay bur burkii dalka ka hor.

Wasiirka ayaa dalkaas u tegay ka qeybgalka shir looga iskaashiga dalalka Carabta iyo dowladda Shiinaha, kaasi oo si rasmi ah magaalada Beijing ee Caasimadda dalka Shiinaha uga furmaya 5-ta bishaan oo berri ah.

Mareeg Media

 

About A warsame 9751 Articles
Published by A Warsame .He can be reached by news@mareeg.com or Mobile :+447737886245