Berbera: Ciidamo Badeed Tababar Loogu Xiray Dusha Markab Dagaal Oo Ingiriisku Leeyahay

Read Time:1 Minute, 39 Second

Berbera, Mareeg.com: Madaxweynaha maamulka Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay Markab ay leeyihiin ciidamada Ingiriiska oo dhawrkii todobaad ee u dambeeyay ku sugnaa xeebaha magaalada Berbera uu tobabar ugu soo xiray qaar ka mid ah ciidamada Ilaalada xeebaha Somaliland.

Munaasabad lagu qabtay dusha markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada badda Ingiriiska, laguna magacaabao ROYAL FLEET AUXILLIARY ayaa madaxweyne Siilaanyo uga mahad celiyey dowladda Ingiriiska taageerada ay siiso maamulkiisa.

Munaasabadda waxaa ka qeybgalay Safiirka Ingiriiska u qaabilsan Soomaaliya Ambassor Neil Wigen iyo Safiirka u fadhiya Ingiriiska Adis-ababa iyo Kenya oo ay wehelinayaan Saraakiil Sar sare oo ka tirsan ciidamada Ingiriiska ee bada

Halkaasi waxa hadalo ka soo jeediyey madaxeynaha, taliyaha ciidanka Badda iyo saraakiil iyo khuburo ka socda ciidamadda Badda ee dalka Britain oo ka waramayey taariikhda u dhexeysay Somaliland iyo Britian iyo kaalinta dawladda Ingiriisku ka qaadato horumarinta Somaliland.

Taliyaha ciidamad Ilaalada xeebaha Somaliland Admiral Axmed Aw Cismaan ayaa hadal kooban oo uu warbaahinta siiyey ku yiri “Madaxweyne Shafar bay noo tahay in aad nagala soo qayb gashid xafladda xiritaanka Tababarka ciidamadda Ilaaladda Xeebaha Somaliland ay ka heleen Cutubyo ka mid ah Royal Marines-ka ee dawlada Ingiriiska oo saaran Markab”.

Ciidamadaasi tababar ayay na siiyeen, waxaanu socday, laba todobaad waxaanu ahaa tababar qiime leh oo lagu baranayay Takhasuusaad kala duwan oo uu ciidanka Baddu leeyahay” ayuu yiri Taliyaha Ciidamadda Badda Somaliland.

Intaas kadib, madaxweyne Siilaanyo iyo xubnaha maamulkiia ee la socday ayaa casuumad qaddo sharafeed loogu sameeyey Markabka gudihiisa, kuwaas oo ka wada hadleen xubnihii la socday Markabkaasi xidhiidhka labadda dhinac Ingiriiska iyo Somaliland iyo sidii ay wada jir ula Dagaalami lahaayeen Budhcad Badeeda.

Dhinaca kale waxa uu madaxwayne Axmed Siilanyo indho indhayn ku soo maray qaar ka mid ah xaafadaha magalada Berbera ee uu roobabkii maalmihii la soo dhaafay ka da`ayey magaladaasi waxyeelo soo gaariiyeen.

Magaalada Berbera ayaa roobab ka da’ay sababeen iney duman ilaa 50 guri, islamarkaana ay barakacaan ilaa 500 oo qoys. Siilaanyo ayaa dadka halkaas ku dhaqan gaarsiiyeywaxoogaa kaalmo ah.

Mareeg.com

Happy
Happy
0 %
Sad
Sad
0 %
Excited
Excited
0 %
Sleepy
Sleepy
0 %
Angry
Angry
0 %
Surprise
Surprise
0 %